Hadafkeena
بسم الله الرحمن الرحيم
Waxaa ahmiyad weyn leh in aan cadeyno hadafka wepkan nasiixa.com
Wepka nasiixa waxaa lasameeyay 2007. Waxayna xaruntiisa ku taal UK London.
Hadafka dhabta ah ee wepkan wuxuu yahay.
• In dadka aan gaarsiino iney qabsadaan kitaabka Alle Subxaana watacaalaa iyo Sunnada Rasuulka calayhi salaatu wasalaam una fahmaan labadaas sidey Salafu Saalix u fahmeen Alllaha ka raali noqdee
• In dadka Laga nadiifiyo shirkiyaadka iyo quraafaadka lana baro Towxiidka Alle, kaas oo ah sababta naloo abuuray
• sidii dadka cilmidoonka ah ku helilahaayeen duruus fasiix ah oo dadka ehelka u ah ay duubeen.
• sidii lagu helilahaa duruus lacag la’aan ah oo wax shuruud ah aan ku xirneen, (maxaa yeelay waxaan in badan ku aragnay wepsiteyada somalida in aan la ogoleen in duruustooda la qaato).
Intaas kadib waxaan aad ugu mahadcelineynaa ardayda aadka u badan ee sida wanaagsan ugu tixan wepkan iyo dadka kheerka jecel ee sida tooska ah noogusoo dira taageerada iyo fariimaha.
